Home Wararka Maanta Xaaska Robert Mugabe oo weli lagu dheggan yahay

Xaaska Robert Mugabe oo weli lagu dheggan yahay

78
SHARE

Kooxda Afriforum ayaa qorsheyneysa inay maxkamad kula loollanto go`aankii ay hore maxkamadda dowladda Koofur Afrika xasaanadda ugu siisasy Grace Mugabe.

Marwadii koowaad ee hore ee Zimbabwe ayaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay gabar dharka xayeysiisa oo lagu magacaabo Gabriella Engels iyadoo ku garaacday qaybisada korontada xilli ay ku sugneyd hotel ku yaalla Johannesburg bishii August sanadkii hore, halkaas oo sidoo kale ay ku sugnaayeen labadeeda wiil.

Grace ayaa la filayay inay ka soo muuqato maxkamadda, balse dowladda Koofur Afrika ayaa siisay xasaanad u saamaxday inay dalkaasi isaga baxdo habeen barkii.

Kooxda AfriForum, oo wakiil ka ah gabadha dhibbanaha ah, ayaa ka dooneysa maxkamadda sare inay laasho xasaanaddaas.

Grace Mugabe ayaa dafirtay inay weerartay gabadhaas waxayna sheegtay inay iska difaaceysay toorrey ay gabadhu dooneysay inay la dhacdo.

Codsiga AfriForum ayay maxkamaddu dhegeysan doontaa labo maalmood kaddib, haddii lagu guuleysto waxay taasi waddada u xaari doontaa in Waaxda Dacwad-oogidda Qaranka ee Koofur Afrika ay tallaabo sharci ah ka qaaddo Grace Mugabe.