Kenya: 20 ku dhimatay biyo xireen karkaarada jabsaday

Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa sheegay in biyo xireen uu karkaarka jabsaday xalay kaddib markii roobab xoog leh ay halkaasi ka da’een islamarkaana sababay dhimashada ugu yaraan 20 qof.

Goobtu uu biyo xireenka dhibaatada u gaystay ayaa ku yaalla degaanka Solai oo 120 kilomitar kaga beegan waqooy galbeed magaalada Nairobi.

Ha’aydda Laanqayrta Cas ee Kenya waxay sheegtay inay soo badbaadisay ilaa iyo 40 qof.

In ka badan 2000 oo qof ayaa ka qaxday guryahooda.

Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaasi ka badato iyadoo ay socdaan howlaha gurmadka ee lagu samatabixinayo dadka ay fataahadaha saameeyeen.

Hay’adda Laanqayrta Cas waxay sheegtay in 39 qof loo qaaday isbitaalka Nakuru kaddib markii ay saameeyeen xaafadaha ka ag dhaw biyo xireenka jabsaday.

Roobabka ka da’yay Kenya tan iyo billowgii sanadkan waxaa ku dhintay illa 152 qof. sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *