Home Wararka Maanta Gudoomiyaha golaha shacabka oo lagu wado in la caleemo saaro maanta

Gudoomiyaha golaha shacabka oo lagu wado in la caleemo saaro maanta

67
SHARE

Qabanqaabada munaasbadda caleemo saarka gudoomiyaha cusub ee golaha Shacabka Mudane Max’ed Mursal Sheekh ayaa ka socota magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Caleemo saarka gudoomiyaha ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan madaxda ugu sareeysa ee dalka, wufuud ka iman doonta beesha caalamka iyo xubnaha labada gole ee dowladda.

Gudoomiye Max’ed Mursal Sheekh ayaa xilka gudoomiyaha golaha shacabka loo doortay 30-kii bisha April, isagoo ka guuleystay musharixiin kale oo kula tartantay kursigaasi.