Home Wararka Maanta Alshabaab oo dilay gabadh ay sheegeen in ay 11 nin guursatay

Alshabaab oo dilay gabadh ay sheegeen in ay 11 nin guursatay

20
SHARE

Koxda Al-Shabaab ayaa saaka meel fagaare ah oo ku taalla degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose dhagax ku dilay gabadh ay sheegeen inay hal mar wada guursatay 11 nin.

Maxkamad kooxdu leedahay ayaa sheegtay in gabadha dhagaxa saaka lagu dilay ay qiratay inay guursatay 11 ka nin iyadoon midna uusan furin.

Shabaab waxay sheegeen in ay toddobo carruur ah dhashay oo ay 30 jir ahayd.

Waxay intaas ku dareen in ay lix ka mid ah carruurta u dhashay ninkii u horreeyay intaas ka dibna ay billawday in ay toban kale guur satay iyadoo aan midkoodna furin, sidaasna ay ilmaha toddobaad ku dhashay

Lama oga waxa ay gabadhu ka tiri eedaymaha loo soo jeediyay, balse maxkamaddu waxay sheegtay in uu wanaagsanaa caafimaadkeeda.

Sida ay faafisay warbaahinta Al-Shabaab gabadha waxaa dhagax lala dhacayay illaa iyo intii ay naftu ka baxaysay.

Al-shabab ayaa dilal ka fulisa meelaha ay ka taliso.

Sannadkii 2008 ayay sidan oo kale gabadh ugu dileen magaalada Kismaayo iyaga oo ku eedeeyay in ay niman badan guursatay.

Balse dad badan ayaa xilligaas su’aalo ka keenay sababta raggii lagu eedeeyay in ay guursatay iyagana caddaalada loo marin waayay, waxaana jiray warar ka hadlayay in ragga guursaday gabadha ay ka tirsanaayeen isla Alshabaab.

Isla su’aashaas ayaa hadda soo labo kaclaysay oo dad badan maskaxdooda ka guuxaysa.

Dad maxkakamada Alshabaab dhaliila ayaa su’aal galinaya hufnaanta hannaanka cadaaladooda iyaga oo farta ku fiiqay in aan inta badan war lagahaynin meesha dadka lagu xukumo oo lagu baraarugo marka xukunka la fulinayo oo kali ah.