Home Wararka Maanta Raysul wasaaraha dalka oo ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta caasimadda Muqdisho...

Raysul wasaaraha dalka oo ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta caasimadda Muqdisho ku dhiirigeliyay shaqadooda

67
SHARE

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer ugu ciidanka isku dhafka ah ee loo diyaariyay amaanka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira qeybaha kala gadisan ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Kormeerkiisa waxaa ku weheliyay Wasiir ku xigeenka Amniga, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Gabalka Banaadir.

Intii uu ku guda Jiray Booqashadiisa ayuu warbxino ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka dhagaystay taliyayaasha ciidanka,waxayna tilmaameen in si wanaagsan loo wado howlaha amni ee magaalada, iyagoona cadeeyay in ay dajisteen qorsheyaal lagula soconayo guud ahaan amniga gobolka, gaar ahaan bisha Ramadaan iyo dhaq-dhaqaaqayada cid-walba oo doonayso in ay carqaladayso amniga Magaalada Muqdisho.


Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u mahad celyay Ciidamada iyo Madaxdooda isagoona dhanka kalana ku boggaadiyay howlaha muhiimka ah ee ay qabtaan, waxuuna ku dhiiri galiyay in sii labo laabaan shaqooyinka ay Qaranka u hayaan.

“Wadashaqaynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidanka Xasilinta Muqdisho waxaa ay ka turjumaysaa dadaalka loogu jiro in la soo celiyo amaanka magaalda oo waayahan laga shaqeynaayay, shacabka Soomaaliyeed dhammaantoodna waxaan faraynaa in la shaqeeyaan ciidanka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Photoj3 Ugu Dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ciidanka u soo jeediyay in ay aad u ilaaliyaan shacabka ay amnigooda sugayaan si wanagsan ay ula macaamilaan marka ay shaqada ku jiraan, si ay shacabku ugu kalsoonaadaan ciidamada ka dibno loo helo wadashaqay buuxda.