Home Wararka Maanta Dr Abiy oo casho sharaf u sameeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka

Dr Abiy oo casho sharaf u sameeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka

36
SHARE

Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay si fool ka fool ah ula fariistay dadka ka tirsan mucaaradka.

Dr Abiy ayaa casho sharaf uu u sameeyay mucaaradka waxa ay ka wada hadleen sidii loo badbaadin lahaa dalkaas, islamarkaasna loo heli lahaa xal waara.

Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in uu diyaar u yahay in uu dhagaysto aragtiyada wax lagu dhisayo ee mucaaradka.

Sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Itoobiya Emmanuel Igunza, waa markii ugu horeysay oo mucaaradka iyo dowladda ay si toos ah isu hor fariistaan, kana wada hadlaan xalka rasmiga ah ee Itoobiya.

Ra’isulwasaare Abiy ayaa tan iyo intii la doortay socdaalo kala duwan ku maraya qeybo kala duwan oo dalka ah si uu xal ugu helo mudaaharaadyada iyo rabshadaha dalkaas ka dhacay intii muddo ah.