Home Wararka Maanta Taageerayaasha Lula da Silva oo xabsiga lagu hayo hortiisa teendhooyin ka taagtay

Taageerayaasha Lula da Silva oo xabsiga lagu hayo hortiisa teendhooyin ka taagtay

35
SHARE

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inácio Lula da Silva ayaa teendhooyin ka surtay afaafka hore ee xabsiga lagu hayo, iyaga oo ka mudaaharaadaya xarigiisa.

Lula ayay maxkamad ku xukuntay 12 sano oo xarig ah kadib markii lagu heley dacwado musuqmaasuq ah, xukunkaas oo uu u biloowday hadda.

Lula ayaa maalmo uu gabanayay kadib isu dhiibay booliiska magaalada Sao Paulo, kadibna waxaa loo duuliyay magaalada Curitiba, halkaas oo uu xabsiga uga bilaabanayo.

Waxa uu sheegay in uu iska difaaci doono eedeymaha loosoo jeediyay iyo xukunka lagu riday, isaga oo qirey in uusan wax dambi ah galin.

Aragti uruurin la sameeyay waxyar ka hor xarigiisa ayaa lagu ogaaday in uu yahay musharaxa ugu taageerada badan doorashada dhacaysa bisha Oktoobar, balse in la xiray ayaa tartanka ka dhigtay mid dad badan u furan.

Sida uu qabo sharciga Brazil, qof xukun ku dhacay uma tartami karo kursi qaran, balse maxkamadda doorashooyinka dalkaas ayaa go’aan kama dambeys ka gaari doonta arrinta Lula.

10ka maalmood ee ugu horeeya ee uu xabsiga ku jiro ayaa lasoo bandhigay jadwalkiisa maalinkii,

•subixii waxa uu leeyahay koob qaxwo ah iyo rooti is maris ah,

•qadada waxa uu ku cunayaa maacuun caag ka samaysay,

•raashiinka banaanka loogama keeni karo,

•waxaa kale oo jirta in aanan loo ogoleyn in uu qof soo booqdo,

•halka 2 saacadood uun loo ogolaan doono in uu tago barxadda xabsiga maalin kasta.

Dad aad u badan ayaa ku qulqulaya magaaladan, iyaga oo dalbanaya in la siidaayo.

Guddoomiyaha xisbiga shaqaalaha Gleisi Hoffmann ayaa ku tilmaamtay Lula in uu yahay “Maxbuus Siyaasadeed”, xisbigiisana uusan joojin doonin halganka uu ugu jiro in Lula la siidaayo.

Maalinta arbacada ayaa lagu wadaa in maxkamadda dalkaas ugu saraysa ay dib u eegis ku samayso xukunka ku dhacay Lula, lagana yaabo in ay laasho xukunkaas xabsiga ah.

Horey ayay maxkamadda uga fariisatay dacwadda Lula, natiijada waxa ay ahayd mid aad isugu dhow, iyada oo 6 xaakim ay taageereen , 5 kalena ay kasoo hor jeedsadeen.

Haddii ay markale ka fariisato, waxa ay ku xirantahay in hal xaakim uu fikradiisii hore badalo si loo siidaayo Lula.