Home Wararka Maanta Muxuu Salman Khan ka codsaday maxkamadda Jodphur?

Muxuu Salman Khan ka codsaday maxkamadda Jodphur?

26
SHARE

Maxkamadda Jodphur ee dalka Hindiya ayaa dhageysatay codsi ka yimid jilaaga caanka ah ee dalka Hindiya ee dhanka filimada, Salman khan oo dalbaday in damiin lagu sii daayo.

Salman Khan ayaa la dhigay xabsi ku yaala Jodphur, isagoo na lagu helay dembi ah inuu dilay nooc ka mid ah deerada oo aad u tiro yar xilli uu filim jilayey sannadkii 1998-dii.

Falka uu ku dhaqaaqay Salman Khan ayaa waxaa ka carooday mid kamid ah qowmiyadaha ku nool dalkaasi, kuwaasi oo caabuda xayawaankan sida aadka ah loo ilaaliyo.

Qareenka Salman Khan ayaa sheegay in xukunka Salman Khan lagu riday uu curiyaamin karo mustqbalka jilaaga, waxana la filayaa in maxakamadda ay go’aan ka gaarto codsiga Salman Khan saacadaha soo socda.

Afar kale oo ka tirsan shirkadda filimada ee dalka hindiya oo uu kamid yahay Saif Ali-Khan ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey dembi, inkastoo markii dambe lagu waayay wax dembi ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Salman Khan sharciga la horkeeno, isagoo 2002-dii lagu eedeeyay inuu gaari jiirsiiyay nin derbi jiif ah.

Waa markii afaraad oo Salman Khan lagu soo eedeeyo falal dembiyeed la xiriira ugaarsiga xayawaanadka, isagoo na dhowr jeer oo hore laga cafiyey xadgudub uu u gaystay xayawaan.