Home Wararka Maanta Guddiga La socodka dib-u-eegista dastuurka oo kalsoonida kala noqday Wasiir Xoosh

Guddiga La socodka dib-u-eegista dastuurka oo kalsoonida kala noqday Wasiir Xoosh

94
SHARE

Waxaa soo ifbaxaya khilaaf cusub ka dhax abuurmay guddiga la socodka dib-u-eegista dastuurka ee Labada Aqal iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.

Qoraal ay soo saareen guddiga ayaa waxaa lagu wargaliyay guddoomiyaasha baarlamaanka iyo Aqalka Sare isla markaana lagu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil uu hortaagan yahay geedi-socodka dastuurka.