Home Wararka Maanta Dhaqtar dad badan qaadsiiyay cudurka HIV

Dhaqtar dad badan qaadsiiyay cudurka HIV

60
SHARE

Dhaqtar u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu dad gaaraya 33 qof oo ku sugan gobolka Uttar Pradesh cudurka uu qaadsiiyay cudurka HIV-ga oo keena AIDS-ka.

Ninkan oo aanan shaqada u qalmin ayaa la sheegay in uu hal isticmaalay saliingo u isticmaalay dad kale duwan, taas oo keentay in ay xanuunka isu gudbiyaan.

Saraakiil ka socota wasaaradda caafimaadka ee heer federaal ayaa booqan doono degmada Unnao, halkaas oo uu dhibka ka dhacay.

Ma cadda tirada dadka kale ee laga yaabo in ay cudurkan qaadeen, balse 33 ka mid ah 566 qof oo uu ka daweeyay xanuuno la xiriira caabuq iyo hargab ayaa cudurka laga heley.

Dalka Hindiya waxaa jira hoos u dhac boqolkiiba 50% oo ku yimid dadka qaba HIV-ga sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Balse dhibka jira ayaa ah dhaqaatiirta aanan tabobarka haysanin ee sharci darada ah ee dadka adeegyada caafimaad ay ka doonanayaan, halkaas oo uu cudurka ka faafi karo.