Home Wararka Maanta Maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayay xabsiyo ku yaala dalka Hindia.

Maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayay xabsiyo ku yaala dalka Hindia.

17
SHARE

Wararka ka imanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in 15 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Hindiya la sii daayay.

Sida ay daabacday Jariirad lagu magacaabo The Indian Express, maxaabiistan ayaa dhamaystey xukun lagu ridey oo ahaa 7 sano oo xarig ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay jiraan maxaabiis kale tiradoodu lagu sheegay ilaa iyo 27 kuwaasoo sida qorshuhu uu yahay maalmo ka dib la sii daayo waxaana la filayaa dhammaan maxaabiistaas hal mar loo soo dhoofiyo dalka Soomaaliya.

Wadanka India ayaa kamid ah wadamada ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida,kuwaasi oo loo heysto fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo,inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.
Waxaa dhalinyaradaasi xabisyada dalka Hindiya ku jireen illaa iyo sanadkii 2011kii.