Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda maanta magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dowlad goboleedka Puntland xalayna ku hoyday magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa maanta wuxuu gaari doonaa magaalo Xeebeedka Boosaaso.

Qaban Qaabada lagu soo dhaweynayo Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan laga dareemaya magaalada Boosaaso iyadoo amaanka magaalada aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso lagu arkayaa ciidamo fara badan oo xaqiijinayo amaanka magaaladaas.

Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku gudo jiro booqashadiisa waxaa lagu wadaa in uu gaaro degmooyin ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud iyadoo halkaasi ay shalay gaareen wafdi hordhac u ah safarka Madaxweynaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *