Dowlada Kuwait oo mashaariic horumarineed ka hirgelinaysa Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo safar shaqo ah ku jooga dalka kuwait, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Diiwaanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, isagoo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabullaahi Farmaajo, kuna socday amiirka dalkaasi.

Wasiirka Ayaa ugu horeyn waxuu warbaxin ka siiyay wasiirka arrimaha diiwaanka Horumarka dowladda Soomaaliya ay sameysay iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Dowladdaha Soomaaliya iyo Kuwait.

Mudane jamaal Maxmaed Xasan ayaa dowlada kuwait ujeediyay in mahsaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan, tasoo shaqo abuur u noqanayso dhalinyrada somaaliyeed, qeyb wayna ka qaadan doonta horumarka dalka.

Wasiirka arrimaha diiwanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, ayaa balan qaaday in dhambaalka uu gaarsiin doona amiirka dalka Kuwait, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ka taageeri doonan mashriicada horumarineed ay u baahan tahay, iyaddoo loo soo marsiinayo Sanduuqa Horumarinta dhaqaalaha dalka Kuwait.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *